Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda Afrika kala qeybgaley caleema saarka Madaxweyne Museveni

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxda Afrika kala qeybgaley caleema saarka Madaxweyne Museveni
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

Kampala, 12 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, General Yoweri Kaguta Museveni oo ka dhacdey magaalada Kampala.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoggaanka iyo shacabka reer Uganda ay wax walba u hureen sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan lahayd masiibadi dagaaladii sokeeye iyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, sidaa darteedna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay farxadda caleema saarka Madaxweyne Museveni iyo shacabkiisa la qeybsanayaan.

Jamhuuriyadda Uganda ayaa tan iyo bishii January 1986-kii waxaa hoggaaminayay Madaxweyne Museveni iyo Xisbigiisa (National Resistance Movement) NRM.

Xafladda caleema saarka Madaxweyne Museveni oo ka dhacdey fagaaraha Kololo ee bartamaha caasimadda ayaa waxaa sidoo kale soo qeybgaley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Omer Al-Bashir,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chad, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Midowga Afrika, General Idriss Déby Itno,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika, Jacob Zuma,

Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, John Pombe Magufuli, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamka kaleba ka socday.

Musaasabaddan sida heerka sare loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan horumarka Uganda, iyo doorka u dalkaasi ku leeyahay qaaradda Afrika ka jeediyay Madaxweye Museveni, iyadoo ciidammada kala duwan ee Uganda ay halkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus lagu maamusayo caleema saarka.

Previous Post

Ciidanka XDS oo Al-shabaab kala wareegay deegaano Sh/Hoose

Next Post

Golaha wasiirada oo ansixiyay dhismaha guddiga madax banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa

Next Post
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”

Golaha wasiirada oo ansixiyay dhismaha guddiga madax banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In