|
Kampala, 12 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, General Yoweri Kaguta Museveni oo ka dhacdey magaalada Kampala. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoggaanka iyo shacabka reer Uganda ay wax walba u hureen sidii Soomaaliya ay uga soo kabsan lahayd masiibadi dagaaladii sokeeye iyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, sidaa darteedna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay farxadda caleema saarka Madaxweyne Museveni iyo shacabkiisa la qeybsanayaan. Jamhuuriyadda Uganda ayaa tan iyo bishii January 1986-kii waxaa hoggaaminayay Madaxweyne Museveni iyo Xisbigiisa (National Resistance Movement) NRM. Xafladda caleema saarka Madaxweyne Museveni oo ka dhacdey fagaaraha Kololo ee bartamaha caasimadda ayaa waxaa sidoo kale soo qeybgaley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Omer Al-Bashir, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chad, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Midowga Afrika, General Idriss Dรฉby Itno,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika, Jacob Zuma, Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, Raโiisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, John Pombe Magufuli, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta iyo hoggaamiyeyaal kale oo Afrika iyo caalamka kaleba ka socday. Musaasabaddan sida heerka sare loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad ku aaddan horumarka Uganda, iyo doorka u dalkaasi ku leeyahay qaaradda Afrika ka jeediyay Madaxweye Museveni, iyadoo ciidammada kala duwan ee Uganda ay halkaasi ku soo bandhigeen dhoolatus lagu maamusayo caleema saarka. |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐ ๐ฎ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...












