Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waa inaan ku dhiirannaa u hiilinta sharciga iyo cadaaladda” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12 September 2015: Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey sannadguuradii 3aad ee ka soo wareegtey markii xilka madaxtinimada ee dalka loo doortey Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xalay dhacdey, oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole , iyo ururrada bulshada, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda dalka uu marayo iyo guulaha la gaarey saddexdii sanno ee la soo dhaafey.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya muddo haatan kaga joogo rubac qarni ay ka burburtey dowlad xooggan, nidaamkii iyo kala dambeyntiina ay meesha ka baxeen, balse dadaal dheer kadib la qabtey hawl badan oo dowladnimo buuxda waddanka loogu soo celinayo, isla markaana ay wax badan qabsoomeen.

“Wax badan ayaa la qabtey, baahi badanna way jirtaa. Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta. Haddii aan is kaashano, shacab iyo dowlad, waxaa hubaal ah inaan gaari karno hadafka aan leenahay’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhiirigeliyey in la sii wado hawlaha dib u heshiisiinta oo uu sheegay inay sal u yihiin in Soomaaliya ay iska ilowdo waayihii adkaa ee la soo marey, lana furo bog cusub oo ku dhisan wada noolaansho, is-aqbalaad iyo is xurmeyn.

“Waa in qof walba lagula xisaabtamaa waxa u geysto, Sax ma ahan in nin dembiile ah falka uu geystey loo saariyo qof kale iyadoo la cuskanayo sababo beeleed iyo waxyaabo kale oo aan munaasab ahayn. Qof walba waa inuu sharciga tixgeliyaa. Haddii aan hab dhaqanka isla xisaabtanka joogteyno waxaa hubaal ah inaan heleyno nabad, xasilooni iyo dib u heshiisiin waarta”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu xusey in nidaamka baahinta xukunka la sii wadi doono laga bilaabo min tuulo degmo, heer gobol iyo meel kasta oo baahidaasi ay ka jirto, isla markaana loo baahan yahay in nidaamka federaalka aan loo adeegsan in dadka lagu kala qeybiyo.

“Ujeeddada aan ka leenahay hirgelinta nidaamka federaalka, waxa weeyaan in shacabka ay baahidooda ka tashadaan, iyadoo la raacayo sharciga dalka u degsan. Ma aqbali doono in nidaamkan loo adeegsado in dadka lagu kala qeybiyo ama colaado hor leh loogu abuuro. Cid kasta oo lagu helo inay nidaamka federaalka u adeegsaneyso kala qeybinta iyo waxyeellada shacabka, waxaa naga go’an inaan iska qabano, cid walba oo nidaamkan sidii loogu talagaley u adeegsatana waa inaan wada taageernaa’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in lixdii tiir ee dowladdiisa lagu soo doortey ay wax badan ka qabsoomeen, ujeedkuna uu yahay in dalka loo sameeyo aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

‘’Lixdii tiir ee aan doorashada ku soo galney saddex sanno ka hor, waxaa ugu muhiimsanaa nabadda oo ah furaha horumarka iyo dowladnimada saxda ah. Guulo badan ayaa la gaarey. Al Shabaab waxaa laga saarey dhulkii ay haysteen intiisa badan. Waxay haatan ku hareen goobo aad u kooban, oo aan filayo in dhowaan la soo afjari doono. Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidammada Xooogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) iyo shacabka oo iska kaashadey dagaalka lagula jiro Al Shabaab. Si dagaalka looga soo horjeedo argagixisada looga mira dhaliyo, waxaa laga shaqeynayaa sidii uu dalka u yeelan lahaa sharciga la dagaalanka argagixisada’’.

Horumarka la sameeyay ee Madaxweynaha uu ka hadley ayaa waxaa ka mid ah adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, dib u hawlgelinta hay’adaha dowladda, dib u soo nooleynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada kale ee muhiimka ah.

“ Waxaan sannadkan hirgeliney imtixaanaadka dugsiyada sare ee heer qaran, waxaana ku rajo weynahay inaan sii balaarino. Dhismihii Kuliyadaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, dhowaan ayay ka baxayaan ciidammada AMISOM, waxaana lagu sameyn doonaa dayactir iyo dib u dhis si Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed u adeegsato. Waxaa iyana dhowaan AMISOM ay faaruqin doontaa garoonka ciyaaraha ee Mogadishu Stadium, iyadoo halkaasi dib loogu adeegsan doonoo hawlihii isboorti ee loogu talagaley’’.

Dhinaca dhaqaalaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Dhexe iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ay dalka u dejiyeen nidaam si hufan lagula socon karo xisaabaadka dowladda, taana ay meesha gebi ahaanka ka saari doonto in hantida dalka si sharci darro ah loo adeegsado.

Xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, saddexdii sanno ee la soo dhaafeyna ay safaarado badan oo cusub dalka ka furmeen, shirar badan oo caalami ah ay ka dhaceen gudaha dalka, iyadoo aqbalaadaasina ay ku timid dadaalka wanaagsan ee shacabka iyo dowladda u galeen dib u soo nooleynta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in munaasabaddan ay Soomaalida oo dhan wada leeyihiin, maadaama shaqada iyo hadafka la leeyahay ay yihiin waddanka uu gaaro horumar dhan kasta ah sida amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee bulshada.

—DHAMMAAD—

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4)

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista miisaaniyada 2015

Next Post

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururrada bulshada oo shir yeeshay

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Ururrada bulshada oo shir yeeshay

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

Golaha Wasiirrada XFS oo sixid ku sameeyay magacaabis hore

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeed, dhagaystayna warbixino muhiim ah, sidoo kalena sixid ku sameeyay magacaabis hore.

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo  kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Soomaaliya oo kulan la yeeshay Boqorka Urdun Cabdalla II

August 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa isaga iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda

August 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka socotay Ciidamada Difaaca dalalka Ethiopia,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In