Monday, June 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro

caqiil by caqiil
July 7, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India”-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, 7 July , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wafdi uu horkacayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Vijay Kumar Singh.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, kaas oo yara hakadey dagaalladii sokeeye ee waddanka ka dhacay awgood.

“Soomaaliya iyo India waxay muddo dheer ahaayeen laba dal oo aad isugu dhow. Booqashadaada waxay fursad u tahay dib u soo nooleynta xiriirkaasi iyo iskaashi cusub oo labada dal dhex mara”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka ayaa sidoo kale isku afgartey in labada dal ay yeeshaan iskaashi dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iskaashi dhinaca waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo lagu barto mihnadaha si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Singh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada, isagoo dhanka kalena xaqijiyey in India ay diyaar u tahay intii karaankeeda inay caawiso Soomaaliya, si mar kale uu waddanku dib cagahiisa isu taago.

Kulanka ayaa waxaa kale oo looga hadley xaaladda dad Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada India, kuwaas oo uu Madaxweynaha codsadey in degdeg wax looga qabto, dowladda India-na ay aqbashey.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India Mr Vijay Kumar Singh ayaa kulankaasi ku guddoonsiiyey Madaxweynaha warqad casuumaad oo uu ka sidey Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, kuna saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeybgalo shir madaxeedka iskaashiga Afrika iyo India oo bisha October ka dhici doona magaalada New Delhi.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12

Sawirro Qaade: Ilyaas

Previous Post

Wasiirka haweenka iyo Danjiaraha Jabuuti ee Soomaaliya oo maanta booqday xarunta agoonta gabdhaha Boondheere+Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay wefdi ka socda India-Sawirro

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In