Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruuska oo kulmay iskuna qilaafay arrinta bariga dhexe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 29, 2015
in Wararka
0
Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruuska oo kulmay iskuna qilaafay arrinta bariga dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynayaasha dalalka Maraykanka iyo Ruushka oo kulan ku yeeshay New York ayaa isku khilaafay arrimaha Bariga dhexe iyo dagaalka ka socda Siiriya,  iyagoo khudbado lidi isku ah ka jeediyay Shirweynaha Qaramada Midoobay.

Vladimir Putin iyo Barack Obama oon wax kulan ah yeelan muddo 2 sano ah, ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay  magaalada New York,  kulankaasi ayaan wax natiijo ah kasoo bixin kadib markii ay labada dhinac isku afgaran waayeen qaabka loo wajahayo xal u helidda dagaalka ka socda dalka Siiriya.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Madaxweyne Obama ayaa khudbadii uu shalay ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku sheegay in loo baahan yahay in xal nabadeed laga gaaro arrinta dalka Suriya, isagoo meesha ka saaray in xukuumada Bashaar Al Asad ay xukunka sii heyn karto.

Hogaamiyaha Maraykanka ayaa qiray in Maraykanka kaligiis uusan xallin karin dhibaatooyinka dunnida ka jira, isla markaana diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dal walba.

Vladimir Putin ayaa isagu khudbadiisa ku sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dowladda Sharciga ah ee Siiriya, wuxuuna ka digay dalalka Reer Galbeedka inay dal walba faraha la galaan, isagoo sheegay in dalalka caalamka ay kala duwan yihiin loona baahan yahay in dal walba uu tixgeliyo dhaqanka iyo madax-banaanida dalalka kale

 

 

Previous Post

Wasaaradda amniga gudaha oo diyaarisay qorshayaal lagu adkeynayo amniga

Next Post

Akhriso: Khudbaddii Madaxweynaha uu ka jeediyay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya

Next Post
Akhriso: Khudbaddii Madaxweynaha uu ka jeediyay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya

Akhriso: Khudbaddii Madaxweynaha uu ka jeediyay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In