Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Guterres oo wadajir bulshada caalamka ugu baaqay ka qeyb-galka gurmadka abaaraha Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo iyo Guterres oo wadajir bulshada caalamka ugu baaqay ka qeyb-galka gurmadka abaaraha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Xog-yaha guud ee Qaramada Midoobey iyo wefdi uu hoggaaminayo oo yimid magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres Xog-hayaga guud ee Qaramada Midoobey markii uu yimid Muqdisho, waxaa soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya kaddibna  uu kulan gaar ah la qaatey madaxweynaha Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamajo  iyo Mudane  Guterres ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladaha adag ee abaaraha ka jira Soomaaliya oo aad u sii darsadey, madaxweynaha ayaa  u sheegay in abaartu aysan xilligaan u baahneyn hadal keliyah oo ay tahay in si dhab ah wax looga qabto.

Kulanka  waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee Q.M Soomaaliya u qaabilsan Michel Cheating  Safiirka Soomaaliya ee Q.M u fadhiya Yuusuf  Garaad Cumar iyo Saraakiil ka socotay hey’adaha gargaarka bini’aadannimo ee Q.M.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha guud ee Q.M ayaa shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho kulankooda kaddib.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay in isaga iyo Guterres ay ka wada hadleen in gurmadka abaaraha la dadajiyo, isla markaana la badbaadiyo nolosha Malaayiin dad Soomaaliyeed oo helis ugu jirta abaarta, isla markaana dowladdiisa lagu gacan siiyo wax ka qabashada arrintaan xannuunka badan, dowladda Soomaaliyana ay waddo dedaallo xooggan la xiriirra sidii aanan marnaba looga hakan lahayn gurmadka Abaaraha iyo in  la fuliyo Istaraatiiiyadda ay ka leeyihiin ka hortagga musiibooyinka sida abaaraha oo kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kala hadlay  Xog-yaha Q.M ay arrimaha amniga, qorshaha dowladda uga degan, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada oo uu sheegay in laga qaadi doono tallaabbo ay ku mideysan yihiin dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya.

Dhinaca kale Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu dareemay markii ugu horreysay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladda adag ee abaaraha, isla markaana iyadoo taasi laga faa’ideysanayo uu ugu baaqayo  bulshada caalamka in ay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan dadka masaakiinta ah ee noloshooda helista ku jirto, u jeedada booqashadiisana ay tahay sidii uu Soomaaliya ugu soo jeedin lahaa indhaha bulshada caalamka.

Xog-hayaha guue ee Qaramada Midoobey waa booqashadii ugu horeysay ee uu dalka dibeddiisa ku soo aado, isagoo Soomaaliya ku sheegay in ay muhiim u tahay, maadaama uu in muddo ah ka soo shaqeynayey arrimaha bini’aadannimada, dowladdana uu  kala kulmay wiji cusub oo ku aaddan iskaashi  iyo ka howl-gelidda abaaraha iyo ka hortaggooda.

Previous Post

Madaxweyne farmaajo “dowladeyda waxa ay ahmiyada kowaad siineysaa gurmadka abaaraha”

Next Post

Xarun dhaxe oo ay leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa laga furay Baydhabo.

Next Post
Xarun dhaxe oo ay leedahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa laga furay Baydhabo.

Xarun dhaxe oo ay leedahay Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa laga furay Baydhabo.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In