Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian oo Muqdisho ku kulmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian oo Muqdisho ku kulmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  Xog-hayaha Arrimaha Dibedda dowladda Britain oo ay ka wada hadleen Iskaashiga labada dalka iyo taageerada dowladda Ingariiska ee Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson  waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, diiradda waxaa lagu saaray kulanka xiriirka labada dal  iyo sidii loo sii xoojin lahaa oo ay isaga kaashan lahaayeen Arrimaha Amniga,  dagaalka ka dhanka argagixisada,  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska guud ee dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulanka kaddib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Boris Johnson Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Ingariiska uu ahaa mid taariikhi ah, isla markaana ay isku soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira iyo in si wadajir ah loo xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, sidoo kalena dowladda UK ay Soomaaliya ka caawiso dhismaha hey’adaha dowliga ah.

Dhinaca kale Xog-hayaha Arrimaha Dibedda Britian Boris Jonhson, ayaa sheegay in wada hadalka madaxweynaha uu la yeeshay uu ugu horreeyey Xiriirka qotada dheer ee labada dal, waxa uu sheegay in dowladda Ingariiska ay 10 Milyan oo Boun ugu talogashay abaaraha Soomaaliya ka jira, isla markaana dowladda ka caawin doonaan la dagaallanka musuq-maasuqa iyo arrimaha amniga.

Waxa uu sheegay in dowladda ay  ka gacan siinayaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska  dalka, si amniga loogu guuleystana ay  si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxa uu intaa raaciyey in ay si heer sare ah  u socoto qaban qaabada shirweynaha London ka dhacaya ee arrimaha Soomaaliya looga hadli doono bulshada caalamkuna ay ku yaboohi doonaan taageero buuxda.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo xarigga ka jaray xarun Caafimaad oo Xabsiga dhexe laga Hirgaliyey “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka oo daah furtay talaalka ka hortaga Daacuun Caloolaha.

Next Post
Wasaaradda Caafimaadka oo daah furtay talaalka ka hortaga Daacuun Caloolaha.

Wasaaradda Caafimaadka oo daah furtay talaalka ka hortaga Daacuun Caloolaha.

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In