Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Jamacaddani waa in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Jamacaddani waa in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdu ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka faa’iideysan karaan ardayda danyarta ah balse looga baahanyahay shacabka in ay ka qeyb qaataan sidii dhalinyarada loogu abuuro lahaa jawi ku haboon Waxbarashada.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

“Maanta waxaan halka ka hirgelinay faraca Jaamacadda Umadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug. waxaan jecelnahay in ay horseed u noqotaa nabad buuxda oo ka hirgasha Galmudug.”

Madaxweynaha ayaa uga digay ardeyda iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhaqanka qabyaaladda iyo in ay ku han-jabaan duruufaha ku xeeran noolashooda.

“Qarniga aan ku jirno ma ahan mid qabiil, ogsoonaada qof qabyaalad ku dhaqmaya ma ahan qof ilbaxnimo leh. Dhallinyaroow waxa jidka saaran waa mustaqbalkiinna. Idinka ayaa la rabaa hadii aad aragtaan magaalo u kala xiran hab qabyaaladeysan in aad diidaan.”

Dhanka kale, Madaxweyne Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qado sharaf waxaa ugu sameeyey duleedka magaalada Caabudwaaq Ugaas Axmed Ugaas Barre Ugaas Cali oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa marti qaadkan ku wehelinayey Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Maxamed Xaashi Carrabeey, Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Wasiirro iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.

Previous Post

Turkiga oo dalbaday NATO in ay taageerto duulaankiisa ka dhanka ah Kurdiyiinta

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In