Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO “MARXUUM GACAL WAXAA UU XIRFADDIISA WARIYENIMO LA GARAB TAAGNAA HALYEEYADA KALE EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Shahiid Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Gacal waxa uu naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha geesiyaasheenna Ciidanka Qalabka Sida ay ka soo hoynayeen argagixisada Alshabaab.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan.

Garab istaaga qoysaska Naftood hurayaasha u shahiiday difaaca dalka,waa rugni ka mida tiirarka dowladnimada, iyo ilaalinta xaqa uu Daljiruhu ku leeyahay Qarankiisa.

Previous Post

Askar iyo Saraakiil Katirsan Danab Oo Loo Carbiyay Qorsheynta Xeeladaha Dagaalka

Next Post

Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq

Next Post
Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq

Askari Mareykan iyo UK u kala dhashay oo lagu dilay dalka Ciraaq

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In