Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo 14-ka Ogoosto u asteeyay Maalinta la dagaalanka Masuq-maasuqa ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
August 14, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo 14-ka Ogoosto u asteeyay Maalinta la dagaalanka Masuq-maasuqa ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa tilmaamay in Guddigani uu gundhig u yahay hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee Dalka.

“Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sharciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, maantana waxa aynu u taagannahay munaasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maalgashiyada caalammiga ah ee dalkeenna, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.”

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gelisay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afrika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharciga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee  La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha Qaran ee ku salaysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaalinta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay in aynu si rasmi ah uga mid noqonno maanta Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kula dardaarmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa.

Previous Post

Wafdi uu  hogaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo gaaray Balad weene SAWIRRO

Next Post

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka qeyb galay aaska Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo lagu aasay Muqdisho

Next Post
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka qeyb galay aaska Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo lagu aasay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka qeyb galay aaska Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo lagu aasay Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In