Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Boosaaso kula kulmaya qeybaha bulshada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Boosaaso kula kulmaya qeybaha bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso,ayaa inta uu joogo waxaa lafilayaa in kulamo kaladuwan uu la yeesho bulshada,waxgaradka iyo mas’uuliyiinta,wuxuuna sidoo kale booqan doono goobo kale.

Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmaya ardayda Jaamacadaha,waxgaradka iyo guud ahaan shacabka Boosaaso ku dhaqan,isagoo ka dhageysandoona warbixino ku aadan dareenka ay ka qabaan hana qaadka dowladnimo iyo baahiyaha ay qabaan in laga caawiyo dhonaca adeegyada bulshada Gobolkaasi Bari kunool.

Related posts

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025

Dhanka kale Iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu weli ku guda jiro booqasho uu ku tagayo deegaano kaladwuan oo ay kamid tahay Puntland,ayaa waxaa lafilayaa in dhawaan uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo  iyo Cadaado,iyadoo waddooyinka lagu xardhayo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya.

Booqashadiisa Boosaaso kadib ayaa lagu wadaa in wafdiga madaxweyne Farmaajo uu gaaro deegaanada Galmudug,halkaasi oo uu kula kulmi doono qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa ka hadlay safarka madaxweyn aha Soomaaliya uu ku tagay deegaanada Galmudug,wuxuu sheegay in madaxweynaha in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Wafdiga.

Wuxuu ugu baaqey shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,isagoo intaasi ku daray in loo baahanyahay in shacabka reer Galmudug ay u diyaar garoobaan sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen horumarada kaladuwan ee ka socoda qeybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ee dhinaca dib u dhiska ah.

Amaanka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo uu booqan doono madaxweynaha ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada ammaanku ay heegan ballaaran la geliyay.

Previous Post

Dhageyso: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo kulan la qaatay Bulshada Dedmada Cabud-waaq

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In