Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Dadweynaha+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey kumannaan arday ah oo wax ka barata 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan ku dhawaad 15-kun oo arday, iskuulladaas oo maanta si rasmi uga mid noqday nidaamka waxbarashada dawliga ah ee dalka.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo, waana waajib dastuurku na faraayo. Maanta awooddeeda Alle waa uu nasiiyay, waxaana ka shaqeynaynaa fulinta qorshaha ah in xuquuqda waxbarasho ee caruurta Soomaaliyeed aan dib usoo celino.”

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa soo bandhigtay qorshaha ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoona ku dhawaaqday in macalimiinta iyo maamulka dugsiyada ku biiray nidaamka waxbarashada dowliga ah ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuqullo ka mid ah manhajka mideysan ee waxbarashada, waxa uuna kula dardaarmay khubarada Soomaaliyeed ee gacanta ku haysa manhajka ay xoogga saaraan kor u qadista wadaniyadda, isdhexgalka bulshada iyo kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay qorshaha tayeynta macalimiinta oo wajigiisa koowaad lagaga hirgelinayo Caasimadaha Dowladda Goboleedyada xarumo lagu tababaro macalimiinta oo noqonaya madal ay isku dhaafsadaan macalimiinta khibradahooda dhanka waxbarista, sarena loogu qaadayo xirfadahooda.

Madaxweyne Famaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhanka waxbarashada, isagoona tilmaamay in dhaqangelinta manhajka mideysan ee waxbarashada dalka uu qorshe istaraatiiji ah u yahay mustaqbalka waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dalladihii aan dowliga ah ee waxbarashada iyo aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey samato bixinta waxbarashada dalka iyo badbaadinta mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed xilliyadii burburka.

Previous Post

Wasiir Beyle oo sheegay in 427 Milyan oo Doollar loogu deeqay Soomaaliya

Next Post

Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”

Next Post
Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”

Wasaaradda waxbarashada XFS oo la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir “Sawirro”

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In