Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Kaddib Shirkii Wadatashiga Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho Kaddib Shirkii Wadatashiga Heer Federaal Iyo Heer Dowlad Goboleed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii looga miro dhalin lahaa wadahadalladan horseeday Heshiiska Hannaanka Doorashada dalka.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey Dowla Goboleedka Galmudug bulsho iyo Madaxba sida ay u martigeliyeen Shirarka Dhuusamareeb ayaa ka aqbalay codsi ay soo gudbiyeen oo ku saabsan in magaca magaalada lagu mataaneeyo xusuusta shirarkan taariikhiga ah, sidaas darteed Madaxweynuhu waxa uu ku dhawaaqay in loo bixiyey magaalada magaca Samareeb, si loogu maamuuso Shirarkan lagu jaangooyey hannaanka doorashooyinka dalka.

Related posts

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026

“Maadaama Doorashadu ay tahay mid heer Federaal ah heshiiska aan halka ku gaarnay waa mid aan u qaadnay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, annagoo ugu baaqayna walaalaha ka maqnaa Shirka in ay ku soo biiraan dhammeystirka wixii shaqo ah oo inoo dhiman.”

Dhankooda, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo bogaadiyey heshiiska Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ka warbixiyey dadaalkii mugga weynaa ee la geliyey sidii ay uga soo qeyb gali lahaayeen dhammaan Dowlad Goboleedyada, taas oo xoojinaysa isu-tanaasulka, is ogolaanshaha iyo ka shaqeynta danta guud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dul istaagay hannaanka loo maray heshiiska doorashooyinka dalka, caqabadaha ku xeernaa iyo dadaalka mugga weyn ee Madaxdu ay ku bixiyeen qorsheynta doorasho ka turjumaysa duruufaha dalka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii ambaqaado Heshiiska Dhuusamareeb 3, kaas oo ku yimid dadaal heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo mug weyn.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in heshiiska Shirku uu ku saleysan yahay aragti wadaag loo dhanyahay, Muwaadin kastana uu waajib ka saaran yahay qabsoomidda doorashadan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga weheliyey ayaa intaas kaddib waxa ay ku soo laabteen Caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo magaca caasimadda Galmudug u bixiyay Sama-reeb

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In