Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow u ambabaxay dalka Masar

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow u ambabaxay dalka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyaya wefdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mas’uuliyiin sare oo katirsan Dowladda, xubno ka kala socoday Golayaasha kaladiuwan ee Dowladda iyo saraakiil.

Diyaaradii siday madaxweynaha ayaa goor dhow ka duushey garoonka diyaaradaha Aadan cadde, waxayna ku siijeedaan magaalada Qaahir ee caasimadda dalka Masar.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Max’ed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha.

“Madaxweynaha JFS waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu lakulmidoonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano, wasiiro oo ay kamidka yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”, Ayuu yiri Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya

Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo kunool magaalada Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa lagu arkaya xarunta safaaradda iyo meelaha ay degan yihiin Soomaalida kunool dalkaasi Masar qaban qaabo xoogan, dadka ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweynahaayeen madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in maanta uu gaaro dalkaasi Masar.

Safarka madaxweynaha oo lafilayo in maanta uu ugu amba boxo Masar ayaa ka dambeeyey kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa dalkaasi.

Madaxda ayaa lafilayaa in ay kawada hadlaan xiriirka labada dal, iyadoo dhanka kale madaxweynaha Jabhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo uu maalinta isniinta ah la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

SONNA

Previous Post

Xukuumadda Ciraaq oo ku dhawaaqdey guluf hor leh oo ka dhan ah Daacish

Next Post

Ciidamada Ammaanka oo saakay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Sh.Hoose

Next Post
Ciidamada Ammaanka oo saakay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Sh.Hoose

Ciidamada Ammaanka oo saakay howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Sh.Hoose

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In