Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa guddoomiyey shir ay magaalada Garowe ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirrada dowlad Goboleedka Puntland.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026

Qodobada shirkan lagaga hadlay ayaa waxaa ka mid ah xoojinta amniga,horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta wada shaqeynta Dowlada Federaalka Somaliya iyo Dowlada Goboleedyada Dalka iyo horumarinta adegyada bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixino ka dhageystay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda ee Puntland ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Sidoo Kale, Madaxweynaha waxaa uu u shegay masuuliyiinti ka qeyb galaayey shirka  in ay qaataan masuuliyadda ka saran dib u soo celinta midnimada iyo wada jirka Soomaaliya, lana yeesho wada shaqeyn dhab ah maadaama masuul kasta uu xil weyn ka saaran yahay samata bixinta shacabka Soomaaliyeed iyo in loo abuuro mustaqbal ka tarjumaya himilada iyo hanka shacabka.

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Puntland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ka xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo qorsheyaasha ku aadan horumarinta arimaha Bulshada heer Federaal.

​

Previous Post

Faah Faahinta Iyo Sawiirradii Ugu Dambeeyey Ee Booqashada Madaxweynaha JFS Ee Garoowe

Next Post

S/Gaas C/weli Jaamac(Gorod)”oo kulamo layeeshay madaxda Gobolka Mudug ”

Next Post
S/Gaas C/weli Jaamac(Gorod)”oo kulamo layeeshay  madaxda Gobolka Mudug ”

S/Gaas C/weli Jaamac(Gorod)”oo kulamo layeeshay madaxda Gobolka Mudug ”

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku...

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Monday with his...

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

January 5, 2026
0

The Minister of Information, Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia, Mr. Daud Aweis Jama, on Sunday officially...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In