Sunday, March 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Dufacaddii 20-aad ee ka baxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Dufacaddii 20-aad ee ka baxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen dufcadda 20-aad ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadaan sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir ku xigeen arimaha dibadda Talyaaniga,Safiiro, Quburo wax ka dhigta Jaamacaddaha caalamka, iyo Bahda waxbarashadda dalka.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026

Munaasibadu intii ay socotay mas’uuliyiinta Jaamacadda Ummaddu ku soo bandhigeen guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaartay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu sameeyay isbadelo dhowr ah si ay u soo saarto Ardo leh aqoon ku filan oo ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Madaxweynaha qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Gaban-gabadii munaasibada ka jeediyay khudbad dheer oo uu kula dar-daarmay Ardeyda Soomaaliyeed oo maanta nasiibka u yeeshay in ay noqdaan dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda Ummadda ka qalinjabiya tan iyo bur-burkii dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay Ardadda in ay yeeshaan qorshe iyo hadaf ay wax ugu qabtaan naftooda, iyo dalkooda isagoona faray in looga baahanyahay in ay gudaan deynta lagu leeyahay maadaama ay si lacag la’aan ah dowladoodu wax u bartay.

Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday guulaha la taaban karo ee dalkeenu ku tilaabsaday, waxa uuna mid mid isku dultaagay waxyaabaha lagu guuleystay qabashadooda, guulaha dhow, iyo mustaqbalka quruxda badan ee dalkeena.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in caalamku qiray guulaha muuqda ee dalkeena waxa uuna tusaale u soo qaatay Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya sameysay horumaro muuqda oo laga sameeyay dhinacyada Maamul wanaaga, Hufnaanta, iyo dib u dhiska Hay’adaha dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha qaranka ayaa ka hadlay dib u dhaca ay dalkeena ku keeni karto kala qoqobnaantu iyo faa’iidadda ay dalkeena iyo dadkeenaba u leedahay midnimada iyo wadajirku isagoona ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay Dowladooda garab istaagaan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid aheyd Hay’adihii dalkeena ee ku bur buray dagaaladii sokeeye ayaa dib loo howl galiyay sanadkii 2014-kii.

Previous Post

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Garyaqaan Yuusuf Xaaji Nuur.

Next Post

Beeraleyda Koonfur Galbeed oo tababar loo furay

Next Post
Qaadista canshuurta Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib loo bilaabay

Beeraleyda Koonfur Galbeed oo tababar loo furay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada Koonfur Galbeed

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareedka AFCON-2027 kaga qayb galaya Mozambique

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Mozumbique):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde International Airport, iyagoo ka...

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Finland oo warqadihii aqoonsiga laga guddoomay

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden, Cabdikarin Axmed Maxamed, ayaa toddobaadkan waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In