Sunday, December 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Dufacaddii 20-aad ee ka baxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen Dufacaddii 20-aad ee ka baxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen dufcadda 20-aad ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadaan sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir ku xigeen arimaha dibadda Talyaaniga,Safiiro, Quburo wax ka dhigta Jaamacaddaha caalamka, iyo Bahda waxbarashadda dalka.

Related posts

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025

Munaasibadu intii ay socotay mas’uuliyiinta Jaamacadda Ummaddu ku soo bandhigeen guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaartay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu sameeyay isbadelo dhowr ah si ay u soo saarto Ardo leh aqoon ku filan oo ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Madaxweynaha qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Gaban-gabadii munaasibada ka jeediyay khudbad dheer oo uu kula dar-daarmay Ardeyda Soomaaliyeed oo maanta nasiibka u yeeshay in ay noqdaan dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda Ummadda ka qalinjabiya tan iyo bur-burkii dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay Ardadda in ay yeeshaan qorshe iyo hadaf ay wax ugu qabtaan naftooda, iyo dalkooda isagoona faray in looga baahanyahay in ay gudaan deynta lagu leeyahay maadaama ay si lacag la’aan ah dowladoodu wax u bartay.

Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday guulaha la taaban karo ee dalkeenu ku tilaabsaday, waxa uuna mid mid isku dultaagay waxyaabaha lagu guuleystay qabashadooda, guulaha dhow, iyo mustaqbalka quruxda badan ee dalkeena.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in caalamku qiray guulaha muuqda ee dalkeena waxa uuna tusaale u soo qaatay Madaxa Hay’adda USAID ee Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya sameysay horumaro muuqda oo laga sameeyay dhinacyada Maamul wanaaga, Hufnaanta, iyo dib u dhiska Hay’adaha dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha qaranka ayaa ka hadlay dib u dhaca ay dalkeena ku keeni karto kala qoqobnaantu iyo faa’iidadda ay dalkeena iyo dadkeenaba u leedahay midnimada iyo wadajirku isagoona ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay Dowladooda garab istaagaan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid aheyd Hay’adihii dalkeena ee ku bur buray dagaaladii sokeeye ayaa dib loo howl galiyay sanadkii 2014-kii.

Previous Post

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Garyaqaan Yuusuf Xaaji Nuur.

Next Post

Beeraleyda Koonfur Galbeed oo tababar loo furay

Next Post
Qaadista canshuurta Gobolka Shabeellaha Hoose oo dib loo bilaabay

Beeraleyda Koonfur Galbeed oo tababar loo furay

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabista abaarta

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed munaasabadda 82-guurada...

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Hakad Gelisay Waxbarashada Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wargelisay waalidiinta iyo bahda waxbarashada, in ay hakisay...

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Ururro Siyaasadeedka Gobolka Banaadir

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay ururrada siyaasadda ee u tartamaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In