Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka warbixiyey horumarrada dowladdu ay ka xaqiijisay amniga iyo siyaasadda, saameynta cudurka safmarka ah ee Karoona iyo caqabadaha dhaqaale ee uu sababay.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorasho hufan  oo sii xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta siyaasadeed ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin isu tanaasul iyo is-qancin oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

“Inkastoo cudurka safmarka ee Karoonaha uu caqabad ahaa, haddana waxaan ku howlannahay ka shaqaynta hannaan doorasho loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay kaga go’aan gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga go’an in aan meelmarinno oo aan xoojino dhaqanka dimuqraadiga ah.”

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha Caalamka in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xoogga saareen xakameynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo saameynta dhaqaale ee uu reebay, isaga oo bogaadiyey dadaalkii naf hurnimada lahaa ee Shaqaalaha Caafimaadku ay ku badbaadiyeen shacabkeenna.

“Waxaan bogaadinayaa dhammaan shaqaalaheenna caafimaadka ee geesiyaasha ah kuwaas oo naftooda halis u galiyay si ay shacabkeenna u badbaadiyaan. Waxaan aqoonsannahay samirka iyo garab istaagga ganacsata Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeyay dowladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray la dagaallanka argagixisada Alshabaab, iyada oo ay iskaashanayaan ciidamadeenna geesiyaasha ah iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo ciribtiro arxan laaweyaashan, loogana hortago in Soomaaliya ay gabbaad ka dhigtaan.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay in mudnaanta la siiyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan caqabadaha iyo dhibaato wadareedka ka taagan dunida, si looga faa’iideysto fursad kasta oo lagu gaari karo duni nabdoon, horumarsan oo barwaaqana ah.

Tags: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Meertada 75-Aad Ee Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay+Sawirro
Previous Post

 Soomaaliya Oo Talaabo U Qaaday Dhameystirka Dayn-cafinta

Next Post

Ciidanka Xoogga oo Dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga oo Dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga oo Dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak ee Shabeellaha Hoose

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In