Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomalaiya oo Kampal ka furmaya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomalaiya oo Kampal ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Yugandha ayaa maanta ka furmaya shir u dhexeeya hoggaamiyaasha Dowladaha ciidamadooda jooga Soomaaliya iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Dalka Yugandha ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey halkaasi,wuxuuna maanta ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay martigelinayso Dowladda Yugandha.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Waxaa Shirkan diiradda lagu saaraya iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa yiri “Shirkan waa mid muhiimad gaar ah u leh qorsheyaasha la xiriira dib u dhiska ciidanka, iyadoona DFS ay u gudbineyso Madaxda shirkan qorshe cad oo ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda difaaca dalkooda, taas oo Madaxweynuhu ka codsan doono in ay ku taageeraan.”

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay ku siiyaan DFS dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .

Previous Post

Somali government “agreement with DP World is illegal and we warn”

Next Post

Wasaaradda howlaha guud”shirkadaha ku howlan dhismaha waa in ay iska soo diiwan galiyaan wasaradda”

Next Post
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka

Wasaaradda howlaha guud"shirkadaha ku howlan dhismaha waa in ay iska soo diiwan galiyaan wasaradda"

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In