Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomalaiya oo Kampal ka furmaya

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomalaiya oo Kampal ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Yugandha ayaa maanta ka furmaya shir u dhexeeya hoggaamiyaasha Dowladaha ciidamadooda jooga Soomaaliya iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Dalka Yugandha ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey halkaasi,wuxuuna maanta ka qeybgalaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay martigelinayso Dowladda Yugandha.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb gelaya Shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod, La-teliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Qaranka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka.

Waxaa Shirkan diiradda lagu saaraya iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa yiri “Shirkan waa mid muhiimad gaar ah u leh qorsheyaasha la xiriira dib u dhiska ciidanka, iyadoona DFS ay u gudbineyso Madaxda shirkan qorshe cad oo ku saabsan sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda difaaca dalkooda, taas oo Madaxweynuhu ka codsan doono in ay ku taageeraan.”

Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa ka qeyb gelaya shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u hor dhigo doono qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.

Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxa jiri doona shirar-doceedyo uu Madaxweyne Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, iyadoona uu kala hadli doono sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay ku siiyaan DFS dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .

Previous Post

Somali government “agreement with DP World is illegal and we warn”

Next Post

Wasaaradda howlaha guud”shirkadaha ku howlan dhismaha waa in ay iska soo diiwan galiyaan wasaradda”

Next Post
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka

Wasaaradda howlaha guud"shirkadaha ku howlan dhismaha waa in ay iska soo diiwan galiyaan wasaradda"

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In