Sunday, May 22, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

May 18, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii,Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Danjire, Mohamed Sheikh Hassan Osman oo Xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Cajmaan ee Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna  Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Related posts

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Sidoo kale Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi raajicuun

Previous Post

Deeq raashin ah oo ka tmid dalka Cumaan oo la gaarsiiyay Labo kun qoys oo kamida danyarta Gaalkacyo

Next Post

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.

Next Post
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

Marka: Dhagarqabe argagixisada u qaabilsanaa miinooyinka oo gacanta lagu dhigay

May 21, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa caawa waxa ay howgal ka sameyeen magalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Howlgal ka ayaa...

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb

May 21, 2022
0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb,...

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Madaxweynaha Dalka oo qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

May 21, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Amb. James Swann oo ka wada hadlay isbedelka dalka ka dhacay

May 21, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur   (Madoobe) oo maanta kulan  la qaatay Wakiilka Xog-hayaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In