Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 18, 2018
in Wararka
0
Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka warbixisay Taariikhda Marxuum Maxamed Sh.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Mohamed Sheikh Hassan Osman “Tunni” oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Ajman ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Sidoo kale waxa uu ahaa Danjire aan deganayn ee Ururka Midowga Yurub.

Intii u dhexeysay 1965-1967, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Jarmalka.

Intii u dhexeysay 1967-1969, Waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar.

Intii u dhexeysay 1969-1970, Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

Danjire Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa dad xirfadlayaal sare ah oo Soomaali ah oo la howl bilaabay aas’aasidda Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa intii u dhexeysay 1977-1997 lataliyaha Madaxweyinihii ugu horreeyay dowladdaasi H.H. Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan ee arrimaha sharciga iyo mashaariicda Aasiya iyo Afrika.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan oo da’diisu ahayd 89 sano-jir, ayaa ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1929.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

Next Post

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka “SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In