Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho (15ka Febraayo, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) oo maalmahan kulamo la lahaa Safiirrada dalalka shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay Safiirka Sweden Mudane Mikael Lindvall, waxa ayna ka wada hadleen sidii dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan lahayd abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka Soomaaliya, amniga, maalgashiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan u baahannahay waxqabad degdeg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto. Waxaan dowladaha saaxiibka ah oo ay Sweden ugu horreyso ka codsanayaa in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Danjire Lindvall ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii doorashada isaga oo sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa tayeynta laamaha amniga, maalgashiga ay dowladda Sweden ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Gebogabadii kulanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay safiirka Sweden taageerada ay dowladdiisu ka geystay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida uu dalkaasi mar walba u garab taaganyahay hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.

Dhammaad

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
[email protected]

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoonka Kula hadlay Boqor Salmaan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In