Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 16, 2017
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho (15ka Febraayo, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) oo maalmahan kulamo la lahaa Safiirrada dalalka shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay Safiirka Sweden Mudane Mikael Lindvall, waxa ayna ka wada hadleen sidii dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan lahayd abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka Soomaaliya, amniga, maalgashiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan u baahannahay waxqabad degdeg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto. Waxaan dowladaha saaxiibka ah oo ay Sweden ugu horreyso ka codsanayaa in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Danjire Lindvall ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii doorashada isaga oo sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa tayeynta laamaha amniga, maalgashiga ay dowladda Sweden ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Gebogabadii kulanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay safiirka Sweden taageerada ay dowladdiisu ka geystay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida uu dalkaasi mar walba u garab taaganyahay hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.

Dhammaad

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
[email protected]

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoonka Kula hadlay Boqor Salmaan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In