Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Kala Hadlay Safiirka Sweden Abaaraha ka Jira Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho (15ka Febraayo, 2017)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) oo maalmahan kulamo la lahaa Safiirrada dalalka shisheeye ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta qaabilay Safiirka Sweden Mudane Mikael Lindvall, waxa ayna ka wada hadleen sidii dowladda Sweden ay uga qeyb qaadan lahayd abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka Soomaaliya, amniga, maalgashiga iyo adkeynta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa jira ku dhawaad 3 milyan oo ruux oo ay abaaruhu saameeyeen. Waxaan u baahannahay waxqabad degdeg ah maadaama aysan dadka haatan sugi karin ballan qaadyo fulintooda ay waqti dheer qaadan karto. Waxaan dowladaha saaxiibka ah oo ay Sweden ugu horreyso ka codsanayaa in ay kaalmo degdeg ah lasoo gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Danjire Lindvall ayaa madaxweynaha ugu hambalyeeyay guushii doorashada isaga oo sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato gurmadka abaaraha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa tayeynta laamaha amniga, maalgashiga ay dowladda Sweden ku sameyso kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Gebogabadii kulanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay safiirka Sweden taageerada ay dowladdiisu ka geystay soo dhaweynta qaxootiga Soomaaliyeed iyo sida uu dalkaasi mar walba u garab taaganyahay hagaajinta dowladnimada Soomaaliya.

Dhammaad

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
[email protected]

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Khadka Telefoonka Kula hadlay Boqor Salmaan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In