Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir-madaxeedki IGAD ee Nairobi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 26, 2017
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir-madaxeedki IGAD ee Nairobi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa khudbad ka jeediyay shir  madaxda dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu soo gabagabeey magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban laheyd sababaha keenay amni darrada iyo abaaraha dalka ku soo noqnoqday.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya samafalka iyo horumarinta in ay u guuraan Soomaaliya si ay u daboolaan baahiyaha taagan.

“Waan dareensannahay duruufaha amni ee ka jira dalka, laakiin dalka intiisa badan waa nabad. Tijaabooyinkii hore waxaan ka barannay in marka ay hay’adaha ku shaqeeyaan gudaha dalka aad loo dareemo saameyntooda marka loo barbardhigo in ay ku shaqeeyaan meel ka baxsan dalka.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa qiray in xal waara oo loo helo qaxootiga ay u baahantahay in la dejiyo siyaasado lagu hagayo dib u dejinta, guriyeynta iyo isdhexgalka bulshada.

“Ma aha wax sahlan, laakiin waxaan aaminsanahay in aan haysanno fursad aan kaga faa’iideysan karno jawiga wanaagsan ee ay abuurtay doorashadeyda.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa isku raacay in la qaato hab bulshada oo dhan ay ka qeyb qaadanayso taasoo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka nugul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa uga mahadceliyay dowladaha iyo shucuubta waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD iyo dalka Yeman sida ay u martigaliyeen in ka badan hal milyan oo qaxooti Soomaali ah.

 

Previous Post

Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Maanta laga hirgaliyey Nalalka Cadceedda ku shaqeeya

Next Post

Munaasabad lagu xusay Maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Munaasabad lagu xusay Maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Munaasabad lagu xusay Maalinta Agoonta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In