Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka 4-aad ee gaarka ah Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka 4-aad ee gaarka ah Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga warbixiyey Shirkii Wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Samareeb ayaa ku bogaadiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka sida ay uga qeyb qaateen in dalku aanu gelin firaaq-dastuuri ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixineyso hirgelinta doorashooyinka dalka, isaga oo dul istaagay sida ay uga go’an tahay Madaxda heer Federaal fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar ee ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayna ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

“Waxaan tanaasulka ka soo bilownay sharcigii doorashada ee ay Golahani meelmariyeen, ilaa shirka aan hadda ka soo laabannay ee Samareeb. Waxaana gaarsiiyey heer ay gacantooda ku soo qortaan heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, anigoo u arkayey in ay muhiim tahay midnimadeenna iyo wadajirkeenna si loo gaaro heshiis siyaasaddeed oo ka turjumaya hiigsiga shacabka Soomaaliyeed”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada, kuwaas oo ka yimid maamulada Puntland iyo Jubbaland oo diiday dhaqan-gelinta qodobbadii ay horey u saxiixeen, taas oo muujisay sida ay uga caga-jiidayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

“Labo qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar, kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid noqdaan Labada Gole ee Baarlamaanka lacagta isdiiwaan gelinta iyo in ay doorashada maamulaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo aan u aragnay in ay dhexdhexaad ahaayeen, maadaama magacaabistoodu ay naga horreysay, labadaas qodobba waa la iga diiday, waana tanaasul kale oo aan u sameynay qabsooomidda doorashada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay iswaansan doonaan oo u turi doonaan dalka iyo dadka Madaxda Dowlad-goboleedyada ee ka caga jiiday fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay horey u ansixiyeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda midnimadu iyo in loo tanaasulo danta guud.

Previous Post

Deegaanka Bacaadweyne oo maamul cusub loo magacaabay

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In