Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo ka qeyb gashay xuska sanad guurada labaad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka iyo mas’uuliyiin kale ayaa  ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanadguuradii Labaad ee kasoo wareegatay dardargelinta Howlaha Isbitaalka Banaadir

Fulinta Qaliimo muhiima oo guuleystay, in ka badan Boqol, Shan iyo Labaatan kun oo bukaan oo isugu jira Hooyooyin iyo dhallaan oo loogu shaqeeyay si lacag la’aana, soo kordhinta dhismooyin cusub oo tayo leh, dhiirigelinta iyo soo saaridda dhaqaatiir da’yar waa qeyb ka mida shaqooyinka hufan oo ay qabteen maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo maanta u dabaaldagaya sanadguuradii labaad ee dardargelinta isbitaalka, iyadoo munaasabad si weyn loo soo agaasimay ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, dhaqaatiir, culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa ugu horeyn si kooban uga hadashay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii tegay, iyadoo tilmaamtay in sanadka soo socodana uu isbitaalku hiigsanaayo mid ka sii balaaran.

Sheekh Cabdi Xayi  Sheekh Aadan iyo Dr. Luul Maxamuud Maxamed ayaa ku taliyay in la garab istaago bahda Isbitaalka Banaadir oo bulshada u haya shaqo adag.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Aadan Amiin ayaa sheegtay in lagu guuleystay hadafkii dib loogu howlgaliyay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo munaasabada soo xirtay ayaa ku baaqday in la isku tashado oo si weyn looga qeyb qaato dhismaha Isbitaalka Banaadir oo ah madasha loogu adeego Dadka bulshada ugu nugul.

Gabgabadii ayaa waxaa munaasabadda lagu bixiyey abaalmarino iyo shahaadooyin ka tarjumaya shaqooyinkii wanaagsanaa ee la qabtay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka 4-aad ee gaarka ah Kal-fadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Xuska Maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In