Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira kulamada gaar gaarka ah ee uu la qaadanayo Madaxda Afrika iyo wakiilada Ururada Caalamiga ah ee ka qeyb galaya Shirka Madaxda dalalka Midowga Afrika, ayaa la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub.

Madaxweynaha oo uga warbixiyey madaxda wafdiga xaaladda guud ee dalka, ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo gargaarka bini-aadantinimada.

Related posts

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

February 16, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu kala hadlay Midowga Yurub in ay kordhiyaan dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, taas oo madaxdii ka socotay Midowga Yurub ee uu la kulmay Madaxweynuhu ay bogaadiyeen dib-uqaabeynta dhismaha amniga Qaranka ee ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Madaxda wafdiga Midowyga Yurub ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin Socdaalka Nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu Madaxweynuhu ku maray deegaannada Puntland iyo Galmudug, iyagoona sheegay in xiriirka wanaagsan ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah, uu horseeday guulo wada-shaqeyneed oo muhiim u ah hor u socodka Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Yurub ee Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay, waxaa hoggaaminayey Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah Mudane Stefano Manservisi iyo Madaxa Maamulka Waaxda Adeegyada Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Koen Vervaeke.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Maanta Dib ugu soo Laabtay Dalka.

Next Post

Weerar ka dhacay Dalka Afganistaan

Next Post
Weerar ka dhacay Dalka Afganistaan

Weerar ka dhacay Dalka Afganistaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo qalabka diiwaangelinta gaarsiiyay Matabaan

February 16, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Matabaan, Gobolka Hiiraan gaarsiiyey qalabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si halkaasi...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay kulan wadatashi hal maalin ah si dib-u-eegis iyo talooyin looga helo qabyo-qoraalka Xeer-Nidaamiyaha Ilaalinta...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Addis Ababa kula kulmay Claver Gatete

February 16, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Mudane Claver...

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

Soomaaliya iyo Tanzania oo kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo ku Saabsan Arrimaha Socdaalka Labada Dal

February 16, 2026
0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Midowga ee Tanzania ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In