Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddiga Dhaqaalaha Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Ogoosto 15, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay dhaqaaleyahannada Soomaaliyeed ee xubnaha ka ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa kala hadlay qorsheyaasha guud ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in guddigan ay hortaallo masuuliyad culus, lagana sugayo in aqoontooda iyo khibraddooda ay ugu faa’iideeyaan kor-u-qaadista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la diyaarinayo siyaasadda dhaqaalaha qaranka iyo qorsheyaal ku qotoma horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ku kalsoon tahay in xubnaha Guddigani ay ka soo dhalaali doonaan shaqooyinka loo igmaday, maadaama lagu soo xulay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dhaqaalaha, Dowladduna ay mudnaanta siineyso talooyinka iyo qorsheyaasha ay soo diyaarinayaan ee la xiriira kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo dhiirrigelinta uu u sameeyay.

Dhaqaaleyahannadan ayaa ballanqaaday in ay dadaal dheer ku bixin doonaan sidii ay cilmi-baaris iyo xog ururin uga sameyn lahaayeen dhaqaalaha dalka, una soo gudbin lahaayeen talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya ganacsiga iyo heerka nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka in ay u kuur galaan ganacsiga iyo fursadaha shaqo ee ka jira dalka, mudnaan gaar ahna ay siiyaan dadka danyarta ah.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka oo shaqada ka joojiyey saraakiill lagu eedeeyey musuq-maasuq

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku wajahan dalka Jabuuti

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku wajahan dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku wajahan dalka Jabuuti

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In