Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo maanta u amba-baxay dalka Turkiga

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo maanta u amba-baxay dalka Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa u amba-baxay dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayaan meertada saddexaad ee Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Shirweynaha Madashan oo socon doona muddada u dhexaysa 17-ka ilaa 18-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay Madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga amniga, socdaalka, ganacsiga, wershedaha, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyeed, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Istanbuul ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, taas oo ay tilmaam u tahay in Caasimadda Muqdisho laga hirgeliyey dhismaha Safaaradda ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka.

Previous Post

Qaylo dhaan ka dhan ah geedka Xashiishka oo ka soo yeersay beeraleyda Shabeelaha Dhexe

Next Post

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo gacanta ku soo dhiggeen goob lagu iibinaayay Daraagiska

Next Post
Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo gacanta ku soo dhiggeen goob lagu iibinaayay Daraagiska

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo gacanta ku soo dhiggeen goob lagu iibinaayay Daraagiska

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In