Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdiga Jabuuti 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdiga Jabuuti 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo.

Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.

Previous Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Hoobiyaasha ee ka dhacay degmada Wadajir

Next Post

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Afgaanistaan

Next Post
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Afgaanistaan

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Afgaanistaan

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In