Sunday, May 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Masar+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Masar+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa qaabilay wefdi ka socda dowladda Maser oo soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay uga sideen dhiggiisa dalkaasi.

Wefdiga uu qaabilay madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hoggaaminayey Ergay gaar ah oo uu soo wakiishay madaxweynaha dalka Maser Cabdul-fataax Al-Siisii,  madaxweyne Farmaajo, ayaa guddoomay dhambaalka looga siday madaxweynaha Maser, isla markaana uga mahadceliyey.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026

Dhambaalka ayaa ahaa hambalyo ku aaddan xilka madaxweynenimo ee loo doortay siddeeddii bishaan, waxa uu sidoo kale ku sheegay in uu ku faraxsanahay iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, wasiir ku xigeenka iyo ku xigeenka Danjiraha Soomaaliya ee dalka Maser ayaa kulanka ku wehliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi-salaam Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa si kooban u sheegay in kulanka sidoo kale inta uu socdey la isla gartay in la sii wado iskaashiga labada dal, lana kordhiyo wax wada-qabsiga dhinacyada amniga, Ganacsiga iyo midka Diblomaasiyaddeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha J.F. S ayaa qaabilay wefdi kale oo ka socdey dalka Jermalka oo iyaguna siday dhambaal hambalyo ku socoto madaxweynaha iyo shacabkiisa,  madaxweyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaana  uga mahadceliyey taageerada ay dowladda Jermalka u heyso Soomaaliya.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Golaha Wasiirada oo maanta yeeshay shir aan caadi aheyn+Sawirro

Next Post

Wasaaradda Boostada oo shaqo soo bandhigtay

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Wasaaradda Boostada oo shaqo soo bandhigtay

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

Warbixinta ITU Soomaaliya oo noqotay Dalka ugu horumarka badan Adduunka dhanka dib-u-habeynta Isgaarsiinta

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn adduunka ee dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta Isgaarsiinta, sida ku cad Tirakoobka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa caawa kulan miradhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In