Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka U Diray Hambalyo Ku Aaddan Munaasabadda Ciidda Carafo Sanadka 1441-Hijriga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne farmaajo oo ku baaqay in wadajir loogu istaago dhibaatada bini-aadantinimo ee ka dhalatay daadadka ku fatahay Magaalada qardho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1441Hijriga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta ah.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda.

“Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in  uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.”

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu hambalyeeyay munaasabaddan barakaysan geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgelyada  shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Oo Kormeeray Dugsi Sare Oo Laga Hirgelinayo Degmada Deyniile “SAWIRRO”

Next Post

Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Loo Magacaabay Ka Talo Bixinta Habsami u socodka Doorashooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Loo Magacaabay Ka Talo Bixinta Habsami u socodka Doorashooyinka “SAWIRRO”

Xukuumadda Oo Ansixisay Xubnaha Guddiga Farsamada Ee Loo Magacaabay Ka Talo Bixinta Habsami u socodka Doorashooyinka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxweynaha Hay’adda...

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

August 8, 2026
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday hey'adda Refugees International (RI), oo...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In