Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii Dalka Sudan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii Dalka Sudan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 06 Okotobar 2017, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba-gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee u ku joogay dalka Sudan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiiri ayaa ku soo saagootiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa qaybta martida gaarka ah ee garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee magaalada Khartum.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa galinkii hore waxa uu booqday xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo ay dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yalla dalka dibaddiisa.

Guddoomiyaha Jamacadda Caalamiga ah ee Africa Dr.Kaamil Cubayd, barayaasha Jaamacadda, ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Jaamacadda ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa, Maamul iyo Macaluimiinba , dadaalka ay ku bixiyeen ardayda Soomaaliyeed.

“Taariikh lama illaawaan ah ayaad ku leedihiin sooyaalka waxbarashada Soomaaliya, waxa aad na garab istaagteen xilli aysan ka jirin dalkayaga nidaam waxbarasho iyo hannaan dowaladeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba laabtaan dadaalkaas” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Salaaddii Jimcaha kula tukuday Masjidka Jaamacadda boqolaal ka mid ah ardayda wax ka barata dalkaas.

 

 

Previous Post

Akhriso Qormo xiiso leh: Isteerinka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In