Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii Dalka Sudan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 6, 2017
in Keyd Hore, Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii Dalka Sudan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 06 Okotobar 2017, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba-gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee u ku joogay dalka Sudan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiiri ayaa ku soo saagootiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa qaybta martida gaarka ah ee garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee magaalada Khartum.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Madaxweyne Farmaajo ayaa galinkii hore waxa uu booqday xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo ay dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yalla dalka dibaddiisa.

Guddoomiyaha Jamacadda Caalamiga ah ee Africa Dr.Kaamil Cubayd, barayaasha Jaamacadda, ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Jaamacadda ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa, Maamul iyo Macaluimiinba , dadaalka ay ku bixiyeen ardayda Soomaaliyeed.

“Taariikh lama illaawaan ah ayaad ku leedihiin sooyaalka waxbarashada Soomaaliya, waxa aad na garab istaagteen xilli aysan ka jirin dalkayaga nidaam waxbarasho iyo hannaan dowaladeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba laabtaan dadaalkaas” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Salaaddii Jimcaha kula tukuday Masjidka Jaamacadda boqolaal ka mid ah ardayda wax ka barata dalkaas.

 

 

Previous Post

Akhriso Qormo xiiso leh: Isteerinka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In