Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku salaysan heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dhinacyada shirka ka qeybgalay kaalinta ay ku lahaayeen heshiiskan, isaga oo si gaar ah ugu ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble doorkiisa wax-ku-oolka ah ee ka miro-dhalinta dhaqan-gelinta heshiisyadii hore loo gaaray.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in ay hortaallo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada howl baaxad leh oo ku aaddan xaqiijinta fulinta heshiiskan si lagu wada qanacsan yahay oo rajo galineysa Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la joogaa wakhtigii loo jiheysan lahaa doorasho hufan iyada oo laga dheeraanayo fal kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida dalka iyo qabsoomidda doorashooyinka qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay dalkeenna in uu sii ambaqaado  xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, nabadda iyo midnimada, isaga oo xusay in ay saldhig u tahay geeddi socodka doorashooyinka iyo xasilloonida dalka, taas oo ka tarjumaysa biseylka iyo qaangaarnimada siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhaqan-gelinta Heshiiska Doorashooyinka Dalka waxaa ka qeyb galay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka  Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si maqal iyo muuqaal ah aaladda Internet-ka ugaga qayb galay.

Previous Post

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo maanta la soo gabo gabeeyay

Next Post

Saaxiibada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay guusha uu ku soo dhammaaday Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Next Post
Somali leaders end country’s electoral impasse

Saaxiibada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay guusha uu ku soo dhammaaday Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In