Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hooyadiis ay ku geeriyootay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
โWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo ay hooyadiis Maamo Haajaro Cali Aadan ku geeriyootay Baydhabo.
Alle S.W.T Qabriga ha u waasiciyo, ehelkana samir iyo iimaan haka siiyo.
Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuunโayuu yiri Madaxweynaha Dalka.