Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo Pakistan ka joojin doono $300 M oo gargaar ah

caqiil by caqiil
September 2, 2018
in Wararka
0
Mareykanka oo Pakistan ka joojin doono $300 M oo gargaar ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Militiriga Mareykanka ayaa sheegay in ay joojin doonaan $300m (£230m) oo ah lacago Pakistan caawimaad ahaan loo siin jirey ka dib markii sida la sheegay xukuumadda Islamabad ay ku guul dareysatay wax ka qabashada kooxaha hubeysan ee jooga Pakistan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa kal hore Pakistan ku eedeeyay in ay khiyaamayso Mareykanka xilli uu balaamiiyin doolar ugu deeqo.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, Lt. Col Koné Faulkner, ayaa sheegay in militiriga Mareykanka uu lacagahan ku bixin doono meelo kale baahi deg deg ah loo qabo.

Hase ahaatee, talaabadan ayaa u baahan in ay ansixiyaan golaha Congress, waana qeyb kamid ah waxyaabihii waa weynaa oo ay ku dhawaaqeen bishii Janaayo.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa  Pakistan, ku dhaleeceysay sida ay ugu guul dareysatay in ay ka hor tagto kooxaha argagaxisada ah ee ciideeda ka waday dagaalada, waxaana kooxahaas kamid ah  ururka Haqqani  oo xiriir la leh Talibaanta Afghanistan.

“Waxaa sii wadaynaa in aan Pakistan ku cadaadino in ay si aan kala sooc la heyn u bartilmaameedsato kooxaha argagaxisada ,” ayuu yiri  Col. Faulkner.

Tallaabadan, ayaa timid maalmo uun ka hor booqashada xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu ku tagi doono dalka Pakistan si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaas Imran Khan.

Bishii Janaayo, ayaa Mareykanku sheegay in uu ka jaray dhammaan kaalmada amni ee Pakistan ka heli jirey.

Mareykanka iyo dalal kale ayaa muddo dheer ku doodi jirey in Pakistan ay hoyso kooxo badan oo mayil adag kuwaas oo weeraro ka fuliya dalka dariska la ah ee Afghanistan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku aadan tallaabada Mareykanka ku dhawaaqay.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hooyadiis ay geeriyootay

Next Post

UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

Next Post
UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

UK oo Soomaaliya ugu deeqday malaayiin kaalmo dhaqaale ah oo hor leh

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In