Tuesday, August 16, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay ka qeyb galka Shir Madaxeexdka 29-aad ee Jaamacadda Carabta

April 14, 2018
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay ka qeyb galka Shir Madaxeexdka 29-aad ee Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Related posts

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Horrey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda carabta oo khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhaxeeya dalalkaas Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo kulamo la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga

Next Post

Xukuumadda Washington oo ku dhawaaqday dhammaadka dhacdooyinka Suuriya.

Next Post
Xukuumadda Washington oo ku dhawaaqday dhammaadka dhacdooyinka Suuriya.

Xukuumadda Washington oo ku dhawaaqday dhammaadka dhacdooyinka Suuriya.

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Qaar Ka Mid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Kulmay

August 15, 2022
0

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax...

Guddoomiye Golaha Shacabka oo qaabilay Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Soo Saaray Liiska 14-ka Guddi Ee Golaha

August 15, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14-ka Guddi ee Golaha iyo...

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

Madaxweyne Xasan Oo Dib Ugu Soo Celiyay Saadaq Cumar Darajadiisa Ciidannimo

August 15, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Mohamed...

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

William Samoei Ruto Oo Loo Doortay Madaxweynaha Kenya

August 15, 2022
0

Guddiga Doorashooyinka iyo Xaduudaha Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqay in William Samoei Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxwenaha ee Kenya....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In