Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Iyo Ku-Xigeenkiisa

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Ummadda iyo Sanad guuraddi 70-aad ee Jaamacadda..
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay Hoggaanka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Qaaraddu ay wadajir uga shaqeeyaan qorshaha heer Qaaradeed ee ku aaddan Ilaalinta Nabadda, ka hortagga colaadaha, hirgelinta yoolka horumarka waara ee qaaradda, la dagaallanka argagixisada iyo saboolnimada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka iskaashi ee ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Moussa Faki doorka uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Previous Post

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhac iyo barakicin ugu geystay dad shacab ah Gobolka Shabeellaha Hoose “Sawirro”.

Next Post

Ciidanka AMISOM oo agab caafimaad ugu deeqay qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka AMISOM oo agab caafimaad ugu deeqay qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho “SAWIRRO”

Ciidanka AMISOM oo agab caafimaad ugu deeqay qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In