Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu hambalyeeyay gudashada Dhaarta Dastuuriga ah ayaa tilmaamay doorka shacabku ay ka sugayaan Xildhibaannada cusub ee ku aaddan xoojinta dowlad-nimada, horumarinta dalka iyo adkeynta midnimada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammeystirka doorashadu, si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebteembar ee ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaranku, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Barlamaanka JFS, kaas oo saldhig u ah fulinta doorashooyin wadar-ogol ah.

Related posts

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

January 21, 2026

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaannada labada Aqal in ay dhammeystiraan dadaalkii uu Barlamaanka 10aad ku bixiyay meel marinta hindise sharciyeedyo waxtar u leh dowlad dhisidda, kuwaas oo hortabin u leh sii ambaqaadida isbadallada socda ee amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ee lagu tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay xoojiyaan wadajirka iyo midnimadooda, ilaashadaanna miraha dowladnimada, iyada oo muwaadin kasta uu mudnaanta siinayo danaha Qaranka iyo sidii aan u horumarin lahayn dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Xildhibaannada Labada Aqal ee maanta la dhaariyey in uu Alle u fududeeyo waajibaadka Qaran ee horyaalla, kana yeelo mas’uuliyiin ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

R/W Rooble oo soo dhaweeyey go’aanka FEIT ee Doorashada 2aad Jubbaland

Next Post

DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

Next Post
DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

DAAWO SAWIRRADA XAFLADDA DHAARINTA XILDHIBAANNADA LABADA AQAL

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta...

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

January 21, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa maanta booqasho ku tagtay xarunta...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In