Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay qoyskii marxuum Axmed-Kayse Xaaji Ducaale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 12, 2020
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Allaha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale .

Madaxweynaha oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii marxuumkaasi iyo  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska ,wuxuu Alle  uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Mudane Farmaajo waxa uu xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed,isagoo halgamaa Axmed-Kayse Ilaah uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa

Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxa uu ka mid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga.

Marxuumku waxa uu midowgii labada gobol kaddib ka mid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Xildhibaanada Galmudug oo diyaar garow ugu jiro doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Next Post
Dowlad Goboleedka Galmudug oo Ka tacsiyeysay gumaadkii shalay ka dhacay isgoska Zoope malagada Muqdisho

Xildhibaanada Galmudug oo diyaar garow ugu jiro doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In