Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur (Sawirro)

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beeggan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo Midowga Waqooyi iyo Koonfur, isaga oo soo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Umadda Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa gaaray Taallada Halgameyaashii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, halkaas oo uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku guubaabiyay in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Umadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb gelaya munaasabadda 1-da Luulyo oo ka socto Tiyaatarka Qaranka

Next Post

Madaxweynaha Shiinaha oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey xuska 60 guurada xornimadeeda

Next Post
Madaxweynaha Shiinaha oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey xuska 60 guurada xornimadeeda

Madaxweynaha Shiinaha oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey xuska 60 guurada xornimadeeda

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In