Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Related posts

๐‘ฏ๐’๐’ˆ๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ฟ๐’Š๐’”๐’ƒ๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘ธ๐’Š๐’Š๐’Ž๐’ ๐‘ธ๐’‚๐’“๐’‚๐’ ๐’๐’ ๐’Œ๐’– ๐’…๐’‰๐’‚๐’˜๐’‚๐’‚๐’’๐’‚๐’š ๐‘ป๐’‚๐’‚๐’ˆ๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’–๐’”๐’‰๐’‚๐’“๐’“๐’‚๐’™ ๐‘ณ๐’Š๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’ ๐‘จ๐’™๐’Ž๐’†๐’… ๐‘ฟ๐’‚๐’”๐’‚๐’ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ฑ๐‘บ๐‘ท

September 24, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,ย  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.

Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Next Post
Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

๐‘ฏ๐’๐’ˆ๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ฟ๐’Š๐’”๐’ƒ๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘ธ๐’Š๐’Š๐’Ž๐’ ๐‘ธ๐’‚๐’“๐’‚๐’ ๐’๐’ ๐’Œ๐’– ๐’…๐’‰๐’‚๐’˜๐’‚๐’‚๐’’๐’‚๐’š ๐‘ป๐’‚๐’‚๐’ˆ๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’–๐’”๐’‰๐’‚๐’“๐’“๐’‚๐’™ ๐‘ณ๐’Š๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’ ๐‘จ๐’™๐’Ž๐’†๐’… ๐‘ฟ๐’‚๐’”๐’‚๐’ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ฑ๐‘บ๐‘ท

๐‘ฏ๐’๐’ˆ๐’ˆ๐’‚๐’‚๐’๐’Œ๐’‚ ๐‘ฟ๐’Š๐’”๐’ƒ๐’Š๐’ˆ๐’‚ ๐‘ธ๐’Š๐’Š๐’Ž๐’ ๐‘ธ๐’‚๐’“๐’‚๐’ ๐’๐’ ๐’Œ๐’– ๐’…๐’‰๐’‚๐’˜๐’‚๐’‚๐’’๐’‚๐’š ๐‘ป๐’‚๐’‚๐’ˆ๐’†๐’†๐’“๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’–๐’”๐’‰๐’‚๐’“๐’“๐’‚๐’™ ๐‘ณ๐’Š๐’Š๐’ƒ๐’‚๐’‚๐’ ๐‘จ๐’™๐’Ž๐’†๐’… ๐‘ฟ๐’‚๐’”๐’‚๐’ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘ฑ๐‘บ๐‘ท

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey goโ€™aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐‰๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In