Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Waa in Galkacayo ay noqoto meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed “

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Waa in Galkacayo ay noqoto meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed “
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray shalay magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Soodhaweynta Madaxweynaha ee Galkacyo waxaa ka qeyb qaatay Kumannaan shacab oo isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda, kuna dhawaaqaya ereyo ay ku muujinayaan dareenka faraxadeed ee ay u hayaan booqashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo waxaa salaan sharaf siiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

“Waxaan dooneynaa in aan ka shaqeyno sidii magaaladan ay ku noqon lahayd meesha ay ka bilaabato nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, annaga oo meesha ka saareyna kala qeybsanaanta jirta.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Gobolka Mudug waxa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Masuuliyiintii Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo waxaa ka mid ahaa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kulumo la leh Bulshada Gaalgacyo

Next Post

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay shir ka dhacaya Dhuusmo Mareeb “DHAGEYSO

Next Post
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay shir ka dhacaya Dhuusmo Mareeb “DHAGEYSO

Sheekh Maxamed Shaakir oo ka hadlay shir ka dhacaya Dhuusmo Mareeb "DHAGEYSO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In