Monday, March 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u celiyay jinsiyaddii dalka Maraykanka.

Go’aanka Madaxweyne Farmaajo uu ku celiyay jinsiyaddiisa labaad waa mid shakhsi ah oo uu si iskiis ah u gaaray sida lagu xusay warsaxaafadeedka laga sii daayay Madaxtooyada qaranka. Waxa xusid mudan in Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu oggol yahay in Madaxweynuhu haysto jinsiyad kale.

Related posts

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026

Sidaas oo ay tahayna, Madaxweyne Farmaajo waxa uu go’aanka celinta jinsiyadda qaatay isaga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya balse aan ahayn qof muwaaddin ah oo caadi ah.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu gudagalay hawsha celinta jinsiyadda Maraykanka ka dib markii loo doortay xilka Madaxweynennimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hannaanka celinta jinsiyadda Maraykanka oo wakhti qaadatay awgeed, waxa suurtagashay inuu Madaxweynuhu celiyo jinsiyaddaas maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da August, 2019.

Madaxeyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya maadaama oo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee si iskiis ah uga tanaasula jinsiyad kale iyada oo aanay jirin duruuf ama sharci ku riixaya inuu sameeyo sidaas.

Tallaabada geesinnimada leh ee uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yiddidiilo cusub gelisay shacabka Soomaaliyeed oo muddo hadal hayey arrintan, waxayna tusaale u noqonaysaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee haysta jinsiyadaha kale.

Sidoo kale, go’aankan taariikhiga ahi waxa uu keenayaa in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna siyaasiyiintu ay si buuxda ugu kalsoonaadaan dalkooda iyo baasaboorkooda iyaga oo ka tanaasulaya jinsiyadaha kale ee ay haystaan.

Previous Post

Boliiska Kenya oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen in ay ka geystaan Mandheera

Next Post

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho.

Next Post
Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho.

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

Soomaaliya oo garab-istaag u muujiysay Azerbaijan

March 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula...

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay wafdi ka socday WFP

March 9, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Saalim Caliyoow Ibrow, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In