Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u celiyay jinsiyaddii dalka Maraykanka.

Go’aanka Madaxweyne Farmaajo uu ku celiyay jinsiyaddiisa labaad waa mid shakhsi ah oo uu si iskiis ah u gaaray sida lagu xusay warsaxaafadeedka laga sii daayay Madaxtooyada qaranka. Waxa xusid mudan in Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu oggol yahay in Madaxweynuhu haysto jinsiyad kale.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Sidaas oo ay tahayna, Madaxweyne Farmaajo waxa uu go’aanka celinta jinsiyadda qaatay isaga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya balse aan ahayn qof muwaaddin ah oo caadi ah.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu gudagalay hawsha celinta jinsiyadda Maraykanka ka dib markii loo doortay xilka Madaxweynennimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hannaanka celinta jinsiyadda Maraykanka oo wakhti qaadatay awgeed, waxa suurtagashay inuu Madaxweynuhu celiyo jinsiyaddaas maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da August, 2019.

Madaxeyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya maadaama oo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee si iskiis ah uga tanaasula jinsiyad kale iyada oo aanay jirin duruuf ama sharci ku riixaya inuu sameeyo sidaas.

Tallaabada geesinnimada leh ee uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yiddidiilo cusub gelisay shacabka Soomaaliyeed oo muddo hadal hayey arrintan, waxayna tusaale u noqonaysaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee haysta jinsiyadaha kale.

Sidoo kale, go’aankan taariikhiga ahi waxa uu keenayaa in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna siyaasiyiintu ay si buuxda ugu kalsoonaadaan dalkooda iyo baasaboorkooda iyaga oo ka tanaasulaya jinsiyadaha kale ee ay haystaan.

Previous Post

Boliiska Kenya oo fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen in ay ka geystaan Mandheera

Next Post

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho.

Next Post
Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In