Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaamjo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne farmaajo oo ku baaqay in wadajir loogu istaago dhibaatada bini-aadantinimo ee ka dhalatay daadadka ku fatahay Magaalada qardho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo noqday Madaxweynihii 2-aad iyo sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya dowlad-goboleedkaasi.

Related posts

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumka.

Previous Post

Wasiirka Caddaaladda Oo Ka Hadlay Dil Uu Geystay Askari Ka Tirsan Ilaaladiisa

Next Post

Xarumo Loogu Adeegayo Bulshada Oo Laga Hirgelinayo Deegaan Koonfur Galbeed Ka Xiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Xarumo Loogu Adeegayo Bulshada Oo Laga Hirgelinayo Deegaan Koonfur Galbeed Ka Xiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Xarumo Loogu Adeegayo Bulshada Oo Laga Hirgelinayo Deegaan Koonfur Galbeed Ka Xiga Gaalkacyo “SAWIRRO”

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa soo jeediyay in boqolkiiba 50 (50%)...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In