Monday, May 23, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Guuleed oo La Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya-Sawirro

December 31, 2015
in Wararka
0
Madaxweyne Guuleed oo La Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maalmahaan ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa wada kulamo uu halkaasi kula yeelanayo madaxda Beesha Caalamka ee Nairobi fariisinka u ah iyo Safaaradaha dowladaha arrimaha Soomaaliya daneeya ee Nairobi ku yaala.

Madaxweynaha ayaa maanta waxa uu hotelka uu degan yahay ku qaabilay Hogaamiyaha aqlabiyada Barlamaanka Kenya haysta Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, waxayna labada masuul qado kadib wada qaateen kulan dheer oo saacado socday oo ay labada dhinac ku gorfeeyeen xaalada xiligaan Soomaaliya ay ku jirto, doorashada 2016-ka, isku soo dhawaanshiyaha Ahlusunna iyo Galmudug iyo sidii heshiis buuxa oo aan soo laaban loogu gaari lahaa khilaafka Galmudug iyo Puntland ka dhaxeeya ee sababay dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay dowlada Kenya aad ugu dadaalayso taageerida dowlada Galmudug isla markaana kaalin xoogan ka cayaareyso wada-hadalsiinta Galmudug iyo Ahlusunna oo Toddobaadka soo socda bilaabmaya.

Madaxweynaha dowlada Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay dowlada Kenya ugu mahadcelinayaan taageerida ay Galmudug la garab taagan yihin, waxuuna sheegay inay Galmudug xiligaan cagta saartay wadadii Horumarka isla markaana ay ku dadaalayaan sidii maalmaha soo socda loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya culumada Ahlusunna Wal-Jameeca.

Si kastaba ha ahaatee, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in shir lagu wada hadalsiinayo Ahlusunna iyo Galmudug uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sugayaa madaxda Ahlusunna oo saacadaha soo socda gaaraya magaalada Nairobi.

gu_nairo (2) gu_nairo (3) gu_nairo

Previous Post

Xildhibaano kulamo wada tashi kula leh qeybaha bulshada Xudur

Next Post

Madaxweynaha: “Nicholas Kay waxaa uu dadaal badan u galey fududeynta hawlaha Qaramada Midoobay ka fulineyso Soomaaliya”

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda’’

Madaxweynaha: "Nicholas Kay waxaa uu dadaal badan u galey fududeynta hawlaha Qaramada Midoobay ka fulineyso Soomaaliya"

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In