Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo looga hadlayo horumarinta Galmudug la-yeeshay Hay’ado kale duwan iyo Safaarado.
Wafdigaan oo maalmihii la soo dhafay ku sugnaa Magalada Nairobi ayaa waxay la kulmeen Madaxda Safaradaha Maraykanka, Norway, Denmark Swizerland, Swedan iyo UK
Sidoo kale Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxay Xarunta ay Magalada Nairobi ka degan yihiin ku qaabileen Madax ka socotay ICRC, CISP, MSF iyo Italian Developments Agency iyo The Norwegian Agency for Development Cooperation,
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa dhammaan Safaradaha iyo Hay,adaha u qaabilay kala hadlay arimaha Abaraha Somalia gaar ahaan Abaaraha ka jira Galmudug.
Sidoo kale Mudane Cali Daahir Ciid waxa uu kala hadlay Masuuliyiintii u la kulmay kordhinta iyo dardargalinta Mashaariicda ka socota Galmudug maadaama Doorashadii Labada Aqal ee Galmudug ka socotay ay so dhamatay.
Ugu dambeyn Kulamadii Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo Beesha Caalamka ugu socday Magalada Nairobi ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.