Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland oo xadhigga ka jaray mashaariic la hirgaliyay+Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland oo xadhigga ka jaray mashaariic la hirgaliyay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa maanta waxaa uu xadhigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Boosaaso .

Dhismaha waddadan oo gaadheya 600Mitir(lix boqol oo mitir) ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ahaa “Puntland haysku Tashato” , waxaana  iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay waddadan ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Munaasabadda xadhig  jaridda waddada oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha gobolka Bari, duqqa degmada Boosaaso, gaanacsato iyo shirkaddii dhistay waddada ayaa madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland waxaa uu uga mahadceliyey ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Boosaaso oo is kaashayana, isla markaana ka duulaya “Puntland haysku Tasho” tallaabadan muhimka ah ee ay qaadeen iyagoo ka shaqaynaya qurxinta iyo soo celinta bilicda magaalada Boosaaso.

“Wax yar  oo aynu  innagu qabsano, waxa uu inooga khayr badan yahay wax-badan oo shiyeeshe ina siiyo” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland”. ayuu yiri mudane Camay.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa waxa uu xadhigga kajaray Buundo hore u bur-burtay , taas oo ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhismeheeda Madaxweynaha  Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiya Baarlamaanka   Puntland, isla markaana ay dhistay dawladda Hoose ee degmada Boosaaso .

Buundadan ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa “Puntland haysku Tashato” waxaana dhistay dawladda Hoose ee degmada Boosaaso oo kaashanaysta ganacsatada iyo bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa dawaladda hoose ee Boosaaso ku ammaanay shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay degmada Boosaaso, sidoo kalena  waxa uu ugu baaqay  dawladaha hoose ee degmooyinka kale ee Puntland in ay kaga daydaan dawladda hoose ee  Boosaaso sida wanaagsan ee ay ugu adeegayso bulshada iyo qaabka ay dalka dib u dhiskiisa uga shaqaynayso, isagoona xusay isku tashigu qiimaha uu dalka u leeyahay.

IMG_1691 IMG_1699 IMG_1714 IMG_1716 IMG_1730 IMG_1604 IMG_1602 IMG_1595 IMG_1755 IMG_1749

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Minnesota oo booqday Masjid

Next Post

Guddoomiyaha Hiiraan oo la kulmay odayaal

Next Post
Guddoomiyaha Hiiraan oo la kulmay odayaal

Guddoomiyaha Hiiraan oo la kulmay odayaal

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In