Sunday, August 14, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Obama Oo Ku Soo Wajahan Saacadaha Soo Socda Nairobi

July 24, 2015
in Wararka
0
Madaxweyne Obama Oo Ku Soo Wajahan Saacadaha Soo Socda Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo uu ka jiro diyaar garow xoogan oo lagu soo dhoweynayo Obama.

Obama ayaa Kenya tagi doona markii u horeysay isagoo Madaxweyne ah, halkaasoo uu aabihii ka soo jeedo, waxaa uu kenya ka tagay sanadkii 2006-dii, isagoo ahaa Sentaro ka tirsanaa Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Related posts

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022

Ammaanka magaalada Nairobi ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xirayaa wixii ka dambeeya 2-da duhurnimo wadooyin badan oo muhiim ah, sidoo kale hawada Kenya ayaa saacad ku dhow xirnaan doonta.

Illaa 10-kun oo boolis ah ayaa ka qeyb qaadanaya sugida amniga, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inay si weyn ugu diyaar garowday booqashada Obama uu ku imaanayo Kenya.

Sidoo kale Ciidamo Mareykan ah ayaa ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka inta uu joogo Obama dalka Kenya, waxaana la arkayay diyaarado qumaatiga u kaca iyo ciidamo ku sugan goobo kala duwan oo ku yaalla Nairobi.

Madaxweyne Obama ayaa caawa fiidkii marka saacada geeska afrika tahay 7:30 ku soo beegan, waxaana uu ka soo degi doonaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta oo ammaankiisa si weyn loo adkeeyay.

Waxaa uu maalinta berri kaga qeyb geli doonaa shir ku saabsan arrimaha Ganacsiga, waxaana Obama uu kulan gaar ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha ammaanka, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada.
Booqashada Obama ee Kenya kadib waxaa uu maalinta Axad u gudbi doonaa dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa, waana markii u horeysay ee Madaxweyne Mareykan ah oo booqda dalka Itoobiya, isagoo khudbad ka jeedin doona xarunta Midowga Afrika.

Previous Post

Daawo Sawirada:-Maalinta Olombikada Adduunka oo Laga Xusey Muqdisho

Next Post

Ololo Looga Hortagayo Gudniinka Fircooniga Oo Beledweyne Ka Bilowday

Next Post
Ololo Looga Hortagayo Gudniinka Fircooniga Oo Beledweyne Ka Bilowday

Ololo Looga Hortagayo Gudniinka Fircooniga Oo Beledweyne Ka Bilowday

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

Sawirro: Wasiir Beena-beene oo lagu wareejiyey xilka wasaaradda Qorsheynta XFS

August 13, 2022
0

Ra’iisul Wasaaradah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee wasaaradda...

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

Wasiiru-dowlaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilka La Wareegay

August 13, 2022
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane...

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

Soomaaliya Oo La Wareegtay Deeq Raashin Ah Oo Uga Timid Imaaraadka Carabta

August 13, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), oo uu wehliyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, Xoghayaha...

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

Ciidamada Isku Dhafka Ah Ee Puntland iyo Galmudug Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid

August 13, 2022
0

Masuuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si wadajir ah ugu wareejiyay labo gaari Ciidanka isku dhafka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In